Nairobi(INO)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Anwar Yogan Mwok, oo Al-Shabaab ku biiray 2013-kii uu yahay qofka isku qarxiyay xero ay ciidanka Kenya ka deganaayeen deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose ee Soomaaliya.
Ninkan oo muwaadin Kenyaan ah ayaa isaga iyo Ramadhan Kungwa iyo Erick Achayo Ogada, ay ku biireen Al-Shabaab,waxaana ay ka mid ahaayeen garabka Jesh Al-Ayman ee Al-Shabaab u qaabilsan Kenya.
Kenya ayaa sheegtay in garabkaas ay Al-Shabaab ka caawiyaan qoridda dhallinyarada Kenyaanka ah,qorsheynta weerarrada ka dhanka ah Dowladda Kenya iyo weerarada gaarka ah ee laga fuliyo gudaha Kenya.
Anwar ayey Kenya sheegtay in uu ku dhashay Gobolka Siaya Sanadkii 1981-kii islamarkaana uu ku dhashay Kiristaanimo hayeeshee uu mar dambe ku biiray Diinta Islaamka.
Ramadhan , Abdifatah Abubakar Ahmed iyo Ahmed Iman,ayaa ka mid ah ragga ay dowladda Kenya baaritaanka ku heyso kuwaas oo hadda ku jira Al-Shabaab una qaabilsan qoridda dhallinyarada,kuwaas oo hadda madaxyadooda ay Kenya ku raadineyso 2Milyan oo Shilinka Kenya ah.
Qoyska Anwar ayaa u guuray Nairobi waxaana uu ku biiray Koox Kubadda Cagta ah oo lagu magacaabo Mathare United Soccer Club,kaddibna waxaa uu tartiib tartiib ula saaxiibay Dhallinyaro Muslimiin ah.
Kenya ayaa sheegtay in Raggaas ay ku dhaawacmeen weerarkii Kulbiyoow,haddana lagu dabiibayo goob ay maamusho Al-shabaab oo ku taalla Xadka labada dal.