Nairobi(INO)- Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay iyo Hayadaha aan dowliga aheyn iney u caalwayeen dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee kujira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
Wasiirka arimaha gudaha dowlada Kenya Joseph Nkairssery ayaa sheegay in qaxootiga ay rajeynayeen iney dib ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya, laakiin ururada ka shaqeynayay dib usoo celinta dadkaasi ay awoodi waayeen dadaalka ay ku celinayaan dadkaasi.
“Dagaalo badan ayaa halkaasi kajira, qaxootigana waxay rajeynayaan iney dib ugu laabtaan dalkooda, laakiin NGO-yada ma doonayaan in qaxootiga la celiyo, maxaa yeelay waxay xiiseynayaan in dhaqaalo ay ka sameeyaan dib u celinta dadka”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Kenya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay iney Qaramada Midoobay iyo hayado kale diyaariyeen 10.5 Bilyan oo lacagta Kenya ah si dhismooyin loogu sameeyo qaxootigaasi oo la geeynayo deegaanada Jubbaland.
“Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ayaa isla meel dhigay 10.5 Bilyan oo Kenya Money ah si loogu dhiso hooy iyo waxyaabo kale, qaxootiga gaaraya 50,000 oo ruux meel ku dhow Raaskaambooni”ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha gudaha Kenya.
Dhismayaasha ayaa waxaa kamid ah iskuulo, xarumo caafimaad iyo garoomo diyaaradeed, sida uu sheegay mar Nkaissery oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaanada baarlamaanka iyo gudiga difaaca qaranka Kenya.
Idale News Online, Nairobi