Nairobi(INO)-Dowladda Kenya, ayaa waxay Qaramada Midoobe ku amartay in qaxootiga Somaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga, ee ku yaala Degmada Dhabaab in muddo saddex bilood ah looga raro, laguna celiyo dalka Somaliya.
Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya William Ruto, ayaa daboolka ka qaaday in Dowladdiisa ay Qaramada Midoobe ku amartay, in muddo saddex bilood oo keliya dalkeeda looga saaro qaxootiga Soomaalida ah.
Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNCHR, ayaa xaqiijisay dalabaadka xilligan kaga yimid Dowladda Kenya, laakiin ay u aragto mid aan ku qabsoomi karin mudada saddexda bilood ah.
Afhayeenka Hay’adda UNCHR ee dalka Kenya Emmanuel Nyabera, ayaa sheegay inay Kenya xaq u lee dahay inay ilaaliso ammaanka shacabkeeda, hadana ay arrin adag ah tahay in mudada saddexda bilood lagu celiyo qaxootiga.
Afhayeenka oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay kala hadli doonaan arrinta ku aadan dib u celinta qaxootiga, bacdamaa waqtiga loo qabtay uu yahay mid ciriiri ah.
Kenya, ayaa waxay xeryaha qaxootiga ee dalkeeda ku yaala u aragtaa mid ay Shabaabku ka soo maleygayan weerarada, ay ka geysanayan qaybaha kala gedisan ee dalkaasi.
Qaxootiga, ayaa toddobaadkii hore ka horyimid eedeymaha kaga yimid Dowladda Kenya, waxayna dhigeen banaanbax ay ku muujinayan, inaanay wax cilaaqaad ah la lahayn Ururka Al Shabaab.
UNHCR, ayaa sidoo kale toddobaadkii tagey beenisay in xeryaha laga soo abaabulo weerarada, ay Ururka Al Shabaab ka fulinayan Magaalooyinka Kenya.
Siyaasiyiinta Somalida ee ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari Kenya, oo markii hore ka soo horjeeday in la celiyo qaxootiga, ayaa si buuxdo isugu raacay in dalka Somaliya lagu celiyo qaxootiga.
Xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxaa la tilmaamaa inay ku xareysan yihiin in ka badan shan boqol oo kun (500,000) oo qaxooti Soomaali ah.
Idale News Online, Nairobi