Kenya oo ku eedeysay mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed iney Shabaab ku gacansiisay weerarkii Ceel-cadde

0
252

Gedo(INO)-      Guddi ay Kenya u xilsaartay in baaritaan ku sameeyaan weerarkii askarta Kenya lagu laayay ee ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ayaa soo saaray natiijada howshii ay qabteen,waxayna soo oagaadeen in Al-shabaab weerarkaasi ay ku gacansiiyeen mid ka mid ah Beelaha dega Gobolkaasi.

Guddiga Baaritaanka oo uu hogaaminayay taliyaha Ciidanka Kenya Samson Mwathethe,ayaa sheegay in Beesha Mareexaan oo degta Gobolka Gedo ay Al-shabaab ku garabsiiyeen dagaalkii Ceel-cadde ee 15-kii Bishan lagu qaaday Xero ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Gedo.

Sida uu qoray wargeyska The Standard ee kaso baxa wadanka Kenya, horudhac baaritaan oo uu sameeyay guddiga ayaa lagu ogaaday in sadex kamid ah askarta Kenya oo ka baxsatay weerarkaasi oo uu gurigiisa kuqariyay qof deegaanka mardanbe la dilay kadib markii sida wargeysku sheegay Alshabab dadka deegaanku ay ku wargaliyeen joogitaanka askartaasi.

“Beeshaan ku gacansiisay Shabaab dagaalkii Gedo,waxay u arkaan ciidanka Kenya inay yihiin kuwo taageeraya beesha Ogaadeen ama qabiilo kale oo uu loolan kala dhaxeeyo, waana mid kamid ah waxyaabaha keenay inay ciidanka qiyaamaan,” ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyiintya Dowladda Kenya oo codsaday inaan magaciisa lashaacin oo wargeyska The Standard lahadlay.

Wargeyska ayaa sheegay in kooxda weerarkaasi baareysa ay maalintii Khamiista ahayd tageen xeradii ciidanka lagu weeraray isla markaana la filayo inay warbixin ku saabsan qaabka weerarku u dhacay ugudbiyaan abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee wadanka Kenya Samsom Mwathethe.

Gudigan cusub ayaa la sheegay inuu baaritaan ku sameyn doonodoorkii ay ku lahaayeen beelaha deegaanka daga weerarka iyo hadii uu jiray wax dayac ah oo dhanka ciidamada ka yimid iyo hadii sidoo kale ay jireen digniino loo jeediyay askarta kahor inta aanu weerarkaasi lagu qaadin.

Ururka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkii Ceel-cadde ayaa sheegay iney dileen in ka badan 100-askari oo Kenyan ah, halka ku dhawaad 12-askari oo kale nolosha ay ku hayaan kuwaasi oo cododka qaarkood warbaahinta Shabaab laga sii daayay.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here