Kenya oo ku dhowaaqday xilliga ay billaabeyso dhismo darbi ay ku xirta xuduudda Soomaaliya

0
380

Nairobi(INO)-Dowlada Kenya ayaa sheegtay in todobaadkaan ay bilaabeyso dhismaha darbi weyn oo ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya, kaasi oo qeyb ka ah ka hortaga weerarada Alshabaab ka geystaan dalkaasi.

Wasiirka cusub ee arimaha gudaha Kenya Joesph Nkaissery ayaa hadalkaan shaaciyay, isagoo cadeeyay in todobaadkaan gudahiisa dhismahaasi uu ka bilaaban doono xuduuda ay Soomaaliya la wadaagaan.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in dhismahaasi uu ka biilaaban doono magaalada Mandheera iyo Wajeer isagoo sheegay in taasi ay yareyn doono ka soo gudbitaanka dhanka xuduuda.

“Mandhera iyo Buloxaawo marhore ayaan ku darsanay qorshaha laakiin ma sheegi karno halka rasmiga ah, hadda waxaan dooneynaa inaan xuduuda darbi dhigno si aan u xirno, taasi waxay yareynaysaa soo gelitaanka badan ee dhanka xuduuda”ayu yiri wasiirka arimaha gudaha Kenya.

Wuxuu sheegay in xildhibaan Billow Kerrow oo kasoo jeeda Mandheera uu soo dhaweeyay qorshahaasu isagoo soo jeediyay in amaanka aad loo adkeeyo.

Idale News Online, Nairobi, Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here