Dowladda Kenya ayaa ka digtay Dagaal Diimeed ka Billowda Gudaha Dalkeeda, Sarkaal ka Tirsan Lataliyeyaasha Madaxeyne Uhuru Kenyatta oo lagu Magacaabo, C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in Kenya ay ka Hortegeyso Arrintaa.
Sarkaalkaas ayaa sidoo kale sheegaya in Kenya ay ka Codsaneyso Culimada Muslimiinta ah, in ay Canbaareeyaan Wixii Shalay ka Dhacay Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya, Halkaas oo Maleyshiyo ka Tirsan Kooxda Shabaab ay ku dileen ugu yaraan 28 qof oo Dad Kirishtaan Shacab ah.
Ciidamada Amaanka ee dowladda Kenya ayaa Maanta waxa ay Baaritaan lagu Ogaanayo, Meelaha ay ka yimaadeen Kooxdii Falkaas Geysatay, sidoo kalena dadkii Halkaas ku dhintay ayaa loo Daabulay Meydadkooda Magaalada Nairobi Halkaas oo la sheegayo in Eheladooda lagu Wareejinayo.
Mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi ayaa sheegay in la Arkayo Ciidamo aad u badan oo Gaaf Wareega Mandheera.
Idale News Online, Mandheera