Dowlada Kenya ayaa ka jawaabtay digniino ka soo baxay waddamada Maraykanka, Britain, France iyo Australia, kuwaasoo muwaadiniintooda ugu baaqay in ay ka baxaan magaalooyinka dalka Kenya.
Xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Karanja Kibicho, ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid aad looga xumaado oo walaac iyo niyad jab ku keenay dowladiisa.
Wuxuu ky tilmaamay hadalka ka soo baxay dalkaas mid saaxiibtinimada lid ku ah isla markaana dhaawici kara xiriirka u dhexeeya iyaga iyo Kenya.
Wuxuu xoghayuhu sheegay in Kenya saaxiibtinimo dhow la leedahay afarta dal ee digniinta soo saaray ayna ka wada shaqeeyaan arimaha la dagaalanka argagixisada.
Mr. Kibicho, wuxuu sheegay in dowladahaas ay sida Kenya oo kale dhibaato kasoo gaartay falalka argagixisida ayna ogyihiin arimaha ka dhasha falalka argagixisada.
‘‘Dagaalka ka dhanka ah argagixisadu wuxuu u baahan yahay dedaal xoogan mana ah in loo dhaqmo qaab falalkaas sii kordhinaya abuurayana cabsi iyo argagax,’’ ayuu yiri Kibicho.
Masuulku wuxuu hoosta ka xariiqay in dowlada Kenya ay ka go’antahay la dagaalanka argagixisada ayna balan qaadayaan amniga dadka soo booqanaya Kenya mudada ay dalka ku sugan yihiin.
Hadalka kasoo yeeray dowlada Kenya ayaa yimid kadib markii afar dal oo reer galbeed ah muwaadiniintooda uga digeen inay u safraan magaalooyin kamid ah dalka Kenya.
Idale News Online.