Kenya oo Baadi goobaysa 300 Dhalinyaro ah oo Tababar kusoo qaatay Soomaaliya

0
231

Mombasa (INO) — Saraakiisha Ciidanka Booliska Kenya ayaa sheegay inay Baadi goob ku hayaan in ka badan 300 oo Dhalinyaro dalkaasi u dhalatay, oo ay ku eedeeyeen inay tababar kasoo qaateen Al shabaab gudaha dalka Soomaaliya.

Teaser Image Kenya oo Baadi goobaysa 300 Dhalinyaro ah oo Tababar kusoo qaatay Soomaaliya

Howlgallada lagu raadinayo Dhalinyaradan la tuhmayo inay Al shabaab kamid yihiin ayaaa waxay ka socdaan Magaalada Mombasa iyo Deegaanada kala ah Kwale, Lamu iyo Malindi, oo ay Ciidanka Booliska sheegeen inay ku dhuumaalaysanayaan.

Deegaanka Kwale ayaa ah halka ugu badan oo ay ku sugan yihiin Dhalinayadan looga shakiyay inay tababar kusoo qaateen xeryo ay Al shabaab ku leeyihiin gudaha dalka Somalia, kadibna dib ugu laabtay dalkaasi si ay Weeraro u fuliyaan, sida uu Booliska sheegay.

Sawirada Dhalinyarada la raadinayo ayaa waxaa laga baahiyay Warbaahinta Kenya, iyadoo laamaha amniga ay sheegeen in Lacag la siin doono qofkii soo sheego halka ay joogaan ama gacan ka geesta soo qabashadooda.

Idale News Online – Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here