Nairobi (INO)- Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Nairobi ayaa waxa ay ka wada haldeen Dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo xasilinta Nabadda Soomaaliya.
Labada dhinac oo kulankooda uu saacado kooban qaatay ayaa waxa ay si gaar ah uga hadleen sidii loo dhameyn lahaa Dagaalka Al-shabaab ee Soomaaliya, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo qalabeynta Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in ay xoojiyaan Taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si Soomaaliya looga dhigo meel xasiloon oo amnigeeda la isku haleyn karo.
Sidoo kale Guterres iyo Kenyatta ayaa ayaa sheegay baahi weyn in loo qabo in la helo maal gelin dheeraad ah oo la siiyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, si ay u soo afjaraan Dagaalka Shabaab, waxayna sheegeen muhiim in ay tahay Soomaaliya in ay noqoto meel nabad ah oo caalamka oo dhan looga soo damaashaad tago.
Waxa ay ka wada hadleen dhanka kale Labada Masuul xaalada Abaaraha ee ka jira Soomaaliya, waxayna sheegeen dadka dhibaateysan in ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah, si aanay u dhicin macluushii 2011-kii, iyagoo sidoo kale isla soo hadal qaaday arrimaha Qaxootiga ee Dhadhaab.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Talaadadii ina dhaaftay waxa uu booqasho aanan horay loo sii shaacin uu ku yimid Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo sheegay ujeedkiisa in uu ahaa sidii uu indhihiisa ugu soo arki lahaa heerka ay gaarsiisan tahay Abaarta.