Kenya ” Derbiga 75 Maalmood ayaa lagu dhameystiri doonaa”

0
179

Mandhera(INO)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay si deg deg  ah u dhameystiri doonto derbiga ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya , si looga baaqsado weerarada ay geysanayaan Xarakada Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa qaadaysa tilaabo lagu dhameystiraayo 30 Km derbiga ay ka dhisayso Soomaaliya , sida ay sheegeen madax ka tirsan dowladda Kenya Jimcihii shalay.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Fredrick Shisia sheegay in derbiga xadka ammaanka la dhamaystiri doono January 2017 si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Dhismaha derbiga ammaanka xadka Soomaaliya ayaa  dib u bilaaban doona sida  ugu dhaqsiyaha badan, ka dib markii  ay kordheen weerarada  joogtada ah ka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Mandheera waxaana ku dhameystiri doono 75 maalmood laga bilaabo Maanta,” ayuu yiri Shisia.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidankeeda ay ka hortagi doonaan in  dagaalyahanada Al-Shabaab  ay  kasoo gudbaan xadka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa walaac xoogan ka qabta weerarada ay geysanayaan  Al-Shabaab ee ka dhacaaya gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Mandheera ay ku dileen 12 qof oo u badnaa macalimiin.