Kenya: Aadan Bare Ducaale oo ugu baaqay dalalka IGAD kulan degdeg ay ka yeeshaan Xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya

0
179

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda, kaasoo curyaamiyay howlihii hey’adaha dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah IGAD ay qabtaan kulan degdeg ah, si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Hey’addaha sharci dejinta iyo Fulinta ee dowladda Soomaaliya, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray amniga iyo xasiloonida.

Aadan Ducaale ayaa sheegay in aanay aheyn in Imaaraadka Carabta ay wiiqdo madax banaanida dadka Soomaaliyeed iyo howlaha hey’adaha sharciga.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii hore meel mariyay qaraar dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, iyadoo lagu baabi’iyay heshiisyo ay kula wareegtay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Maalin kaddib Qaraarki Golaha Shacabka ee Baarlamaanka uu dalka kaga mamnuucay shirkadda, waxaa soo baxay Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Jawaari, kaasoo saameyn ku yeeshay howlihii hey’adaha dowladda, isla markaana hakad geliyay fadhiyadii Baarlamaanka.