Kashafaad: 23 Wasaaradood Oo leh KGS Oo Aysan Lahayn Xafiisyo Sax Ah, Qorshe Qoran iyo Miisaaniyad Sanadeed

0
194

Baydhabo(INO)-  Koonfur Galbeed ayaa leh 29 Wasaaradood mudo 2 sano oo aan la isku shaandheyn, Isla markaana aysan lahayn Marka Laga Reebo 6 Wasaaradood, Xafiisyo ay Ku Shaqeeyaan, Qorshe Qoran iyo Miisaaniyad Sanadeed.

Waxa Shaqada Ka tagey:-

  • Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere” Wasiirka wasaarada Dalxiiska iyo Duurjoogta,(Hawiye/Gaaljecel)
  • C/fitaax Maxamed Ibraahim Geesay, Wasiirka wasaarada Amniga. (Mirifle/Leysaan). Wuxuu Noqdey Mudane Ka Tirsan Baarlamanka Somalia
  • Axmed Nuur Sheekh Maxamed Luxus. Wasiirka, wasaarada Dib u dejinta iyo Xiriirka Jaaliyaddaha,(Darood/ Ogaden). Wuxuu Noqdey Madaxweynaha Bakool Sare
  • Wasiirka Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka Faadumo Cumar ( Digil/Galadi)
  • Axmed Maxamed Barre. Wasiirka wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,(Dir/Biimaal).
  • – Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa.Wiirka wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, (Digil/Tunni)./ Wuxuu Noqdey Gudoomiyaha Baarlamanka KGS

Wasaaradaha Leh Xafiisyo  Sax ah Oo Meel looga Soo Hagaagaayo waxay Kala Yihiin:-

  • Wasaarada Qorsheynta & Xariirka Caalamiga
  • Wasaarada Dib U dajinta iyo Xariirka Jaaliyadaha
  • Wasaarada Maaliyada
  • Wasaarada Gaadiidka iyo Garoomada
  • Wasaarada Hub ka dhigista, Dhaqan Celinta & Tababarada Maleeshiyada.
  • Wasaarada Caafimaadka.