Muqdisho(INO)-Xildhibaannada baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo gaba gabeeyeen kalfadhiga Shanaad Ee Baarlamaanka iyagoo galaya fasax labo bilood ah iyadoo guddoonka baarlamaanku uu ka codsaday xildhibaannada in inta fasaxa ay ku jiraan la booqdo gobollada iska markaana la soo ogaado Xaalada Bulshada Gobolada iyo baahiyaha ay qabaan.
Kulan sagootin ah oo Xalay lagu Qabtay Xarunta Villa Hargeysa Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay Badi Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya Iyadoo uu Goob Joog ka Ahaa Gudoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Ku Xigeenadiisa
Kulanka oo Casho Sharaf ahaa ayaa waxa Hadalo ka Jeediyay Qaar ka Mid ah Xildhibaanadda baarlmaanka Soomaaliya Kuwaasi oo Cabirayay Adeenkooda ku Aaadan Shaqooyinkii ay soo Qabteen iyo Fasaxooda Labada Bil ah
Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo Halkaasi ka Hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ay Yihiin Geesi yaal Naftooda u Haray Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Mudanyaasha Baarlmaanka ayaa waxaa ay Galayaan Fasax labo Bil Ah.
Idale News Online, Muqdisho.