Kaalinta General Gabre Ee Xildhibaanada Cusub Ee 2016-ka

0
671

Muqdisho (INO) – Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in 20 bisha Agoosto la doonayo in la helaa xubnaha xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee badalaya xildhibanada haatan jira.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Generaal Gabre uu doonayo inuu saameyn weyn ku lahaado xildhibaanada cusub ee imaanaya Bisha Agoosto kuwaasi oo badalaya xildhibaanada haatan dhisan.

Wuxuu doonayaa Generaal Gabre inuu doorweyn ku lahaado soo xulida xildhibaanada qaran ee baarlamaanka ee ka kala imaanaya maamul goboleedyada dalka ka dhisan qaarkood kuwaasi oo saaxiibo dhow uu la yahay.

Xildhibaanada uu saameynta ku yeelan doono ayaa ah kuwa ka imaanaya deegaanada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, maadaama xildhibaanadaasi ay yihiin kuwo deegaanadaasi laga soo xuli doono kadibna Muqdisho loosoo wareejin doono.

Sababaha ku kalifaya ku lug lahaanshaha xildhibaanada ayaa xubno xog ogaal ah waxay inoo sheegeen iney tahay inuu doonayo in la keeno xildhibaano aan ka hor imaaneynin danaha Ethiopia ay ka leedahay dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada haatan jira ee muddada kooban u harsan tahay ayaa la sheegaa in badankood ay is fahmi waayeen Ethiopia oo dano badan oo ay laheyd aysan aqbalin, wuxuuse doonayaa haatan inuu keenaa xildhibaano isaga u dhaga nugul.

Idale News Online, Muqdisho