ka hor Mooshinka Jawaari Ciidamo badan oo la dhigay Wadooyinka Muqdisho iyo Wado Muhiim ah oo la xiray

0
215

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay ciidamo badan dhigtay wadooyinka magaalada Muqdisho 24 saacadood ka hor mooshinka muranka ka taagan yahay ee guddoomiyaha BaarlamaankaBaarlamaanka

Ciidamada Dowladda ayaa maanta Wadooyinkii soo geli jiray jidka Wadadda Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Magaalada Muqdisho, iyadoo loo diiday inay gaadiidku u soo gudbo dhinaca Maka Almukarama.

Dadka degaanka ayaa soo sheegay in Wadooyinkii isku xiri jiray Jidka Wadnaha iyo Jidka Maka Almukarama lagu xiray Gaadiidka Ciidamada dagaalka, Dhagaxaan iyo Biro hor leh, waxaana la xiray Isgoysyada Foloronsa, Geed jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha iyo Taleex.

Ciidamada ayaa u diidaya gaaadiidka iyo Mootooyinka in ay isticmaalaan wadooyinka u xiran, waxaana horay ugu xirnaa wadooyinka dhanka Xaafadaha, iyagoona kusoo koobay isgoysyada oo kaliya.