Baydhabo(INO)— Xildhibaannadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intooda badan damaacinaya inay dib ugu soo laabtaan kursiga, qaarkood waxaa laga taageeray qarashka iyo ololaha si ay ugu codeeyaan maalgeliyaha qarsoon, qaar kale waxa ay saaxiib dhow la noqdeen Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka ee xulaya ergo beeleedyada.
Ilo wareedyo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in beellaha Soomaaliyeed dhexdooda uu ka taagan yahay is xaqirid, dulmi , cadaalad darro iyo tirada ergo beeleedyada oo ay kala badsanayaan jufo hoosaadyada.
Xildhibaannada ka tirsan Golihii Baarlamaanka ee Sharciyaddiisu idlaatay ayaa hooy uga dhigay guryaha ay ka degan yihiin Muqdisho qaar ka mid ah odayaasha ku jira liiska (135) horjooge beeleed si ay ugu fududeeyaan helidda kursiga Xildhibaannimo markale, waxaanu Xildhibaankaasi u meeriyaa oday dhaqameedka liis ergo oo aan sinnaan iyo cadaalad ka muuqan oo ah ergo (51) xubnood ka kooban oo xubin ka mid ah uu ku habsado horjoogaha si codka hal dheeriga ah ee guusha keenaya uu u hanto.
Xildhibaannada Sharciyaddooda dhammaatay ayaa balan-qaadyo hanti iyo fursado gaar ah u sameeyay qaar ka mid ah horjooge beeleedyada , qaarkood liiska (135) oday waxaa lagu buuxiyay si degdeg ah markii ay geeriyoodeen qaar ka mid ah odayaashii diiwaan-geshanaa sanadkii 2012 , shakhsiyaadkaasi lagu buuxiyay liiska intooda badan weligooda ma qaban howl nabadeyn, iskaba daa in beeshu ama jufadu isla ogeyd arrinkaasi, waxaana liiska buuxiskiisa ku dhacay wadatashi qarsoon oo dhexmaray Xildhibaanka Beesha/Jufada iyo Wasiirka beeshaasi u matalayay Dowladda, taasi oo ka dhigtay inay gudbiyaan magac nabadoon, iyagoo ka tallaabay in la gudbiyo magaca nabaddoonkii guud ee beeshaasi/jufadaasi laheyd, taasi oo ka dhigtay in Madasha Wadatashiga Qaran ay soo saartay liiska (135) oday oo laga buuxiyay dad aan wakiil rasmi ah ka aheyn beelahooda.
Is qab qabsiga taagan ayaa waxaa ka mid ah Liis xubno ka tirsan Madaxtooyada gudbisteen oo ah ergooyin ay si qaar u qorteen, waxaana taas ay shaki gelineysaa in doorashada Aqalka hoose ay hab cadaalad u dhacdo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed sida Hawiye, Daarood, Digil iyo Mirifle, Dir iyo Isbaheysiga (.5) ee loogu yeero Beesha Shanaad waxa ay wajahayaan caqabado ku aadan qaab xulista ergada.
Xog la helay ayaa waxa ay sheegeysaa in Beesha Dirta Waqooyi ( Isaaq, Gadabursi iyo Ciise ) ay la’yihiin tiro ergo oo dhammeystiran oo Xildhibaan kasta oo beelahaasi ah cod siisa si loo mariyo nidaamka xulasho ee ay dejiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.
Juffooyinka beellaha ayaa ku muransan qaab qeybsiga ergada (51) xubnood ee soo dooranaya Xildhibaan kasta oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka (2016 – 2020) , Juffooyinka qaar ergadooda waxaa iska maamushay Xildhibaannada Sharciyadoodu dhammaatay, horjooge beeleedka ka tirsan (135) oday, Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeennada Maamul goboleedyada.
Beelaha qaar ayaa u gudbiyay Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) liis ergo oo dulmi ku dhisan oo lagu saleeyay qaabka jufadu u qeybsato Qaaraanka ama waxa ay dadka qaarkii u yaqaan gerger oo ka dhigan caawinaad jufadu gudaheeda ay sameyso oo lacago lagu diiwaan-geliyo jufo hoosaadyada, si loo bixiyo diyada qof dil geystay, qof dad dhaawacay, aaska meydadka jufada, taakuleyn qof dhiban , baahan , xanuunsan, dhaawacan oo ka tirsan Jufada.
Juffooyinka beelaha qaarkood ayaa ku dooday in la kala saaro wax ku qeybsiga Qaaraanka iyo Siyaasadda, waxa ayna soo jeedinayeen in ergada (51) xubnood ay u qeybsadaan jufa hoosaadyada si siman oo isla wada eg , waxaase juffo hoosaadyada qaar ay ku qeylo dhaaminayeen inay ka tira dad badan yihiin dhiggooda kale ee isla jufada, waxa ayna ku andacoonayeen in ergadu lagu wadaago hab ku qotanta qaab bixinta Qaaraanka .
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay rajeyneyso in November 30, 2016 ay yeelato Madaxweyne , waajibka ugu weyn ee uu gudanayo ay tahay in dalku gaarsiiyo doorasho dadweynuhu ka qeybgalaan, dhismaha ciidanka X.D.S, ammaan ku soo dabaalidda dalka, ka mira dhalinta wadahadalka lala leeyahay Maamulka Somaliland si ay uga qeyb noqdaan nidaamyada Federaal ee dalka ka jira kahor sanadka 2020 xilligaasi oo la qorsheynayo in guud ahaan dalka uu ka dhaco doorashooyin baarlamaani iyo mid madaxtinimo