Jowhar: Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano dhoor ah gobolka Sh/dhexe

0
215

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaano ka mid ah degmada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo fatahaadaasna ay saameyn ku yeelatay boqolaal qoys oo ku nool tuulooyin ku yaal jiinka wabiga.
Fatahaada ayaa waxaa ay ka socotaa deegaanka Bayaxow iyo deegaanka Maandheere oo dhinaca koofur ka xiga magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe.

Sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta deegaanada ay fatahaadan saameysay waxaa biyaha ka baxay wabiga ay baabi’iyeen dhul beereed haatan loo diyaariyay tacabka guga.

Fatahaada ka baxday deegaanka Maandheere oo qiyaastii 17km dhinaca Koofur ka xigta magaalada Jowhar ayaa laga cabsi qabaa inay kala jarto isu socodka gaadiidka magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayna sidoo kale gaaraan biyaha ka fatahay deegaano kamid ah gobolka Sh/hoose.

Illaa iyo hadda ma jiro dhaqdhaqaaq muuqdo oo uu maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe uu ka wado sidii loo xiri lahaa fatahaadaha ka socda deegaanka Maandheere iyo Bayaxow, hase yeeshee waxaa lagu guuleystey in la xiro fatahaad uu wabiga Shabelle ka sameynayay xaafad kamid ah magaalada Jowhar.

Wabiga Shabelle fatahaadaha uu ka sameeyo gobolka Sh/dhexe ayaa sanad walba ah kuwo soo laalaabta oo aan waxba laga qaban iyadoo kumanaan qoys oo ku nool hareeraha wabiga Shabelle ay xilli biyo la’aan ay ku dhacdo xilliga kalana ay wabigu ku fataho.