Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud looga fadhiyo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha dowladiisa, ayaa wararka laga helaayo ilo ku dhow dhow xafiiska Madaxweynaha ay sheegaayaan in Jeneraal hore oo Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo safka hore kaga jira musharaxiinta la filaayo in Madaxweynuhu u magacaabo Xilka Ra’iisul Wasaaraha Xakuumada Soomalia.
Jeneraal Axmed Sheekh Max’ed Fiqi, oo xilal badan oo xagga ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo qabtey Xukuumaddii Marxuum Maxamed Siyaad Barre isla markaasna soo qabtey xilal kale, sida inuu shantii sano ee u dambaysey ilaa iyo waqti xaadirkaan yahay madaxda ugu sarreysa Ciidammada Gurmadka ah ee Geeska Afrika loo diyaarinayo “EASTERN AFRICA STANDBY FORCE (EASF)” oo ah hay’ad ay ku midaysan yihiin 13 Dawladood oo Geeska Africa ah, taas oo uu u matalayey Dawladda Somalia.
Dad badan oo ka faalooda siyaasadda Somaliya ayaa waxay qabaan in General Dr. Axmad Sheikh Maxamad Fiqi uu noqon karo, haddii uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud, u magacaabo xilka Raisul Wasaaranimada, shaqsiga ku habboon oo ka saari kara marxaladda adag ee uu Dalka manta marayo, buuxinna kara fulinta ballanqaadkii uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud qaaday oo ahayd in uu siin doono mudnaanta 1aad, 2aad iyo 3aad arrimaha nabadgalliyada. General Axmad Sheikh Maxamad Fiqi waa sarkaal leh leh aqoontii Militari iyo waaya aragnimadii Maamul Dawli ahba, taasna waxaa u sii dheer waaya aragnimada iyo xeeldheernimada uu u leeyahay siyaasadda Gobolka Geeska Africa ka aloosan muddoyinkaan dambe.
General Dr. Axmad Sheikh Maxamad Fiqi wuxuu waxbarashadisii hore ku soo qaatay Kulliyadda Ciidammada ee Taliyaniga ee Modena 1972dii, wuxuuna ku taqasusay Cilmiga Dhaqaalaha, wuxuuna ka soo jeedaa Gobolada Galgaduud.
Waxaan sugnaaba waa shaqsiga uu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud u igmado qabashada Xilka Raisul Wasaaranimada Dawladda Federaalka Somaalia oo musharrixiinta u tartamayaa ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambaysa.
Maalinta 29 bisha ayaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqo xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aan weli la saadaalin karin cida rasmiga ah ee uu madaxweynaha la doonaayo xilkaas.
Xafiiska Warqabadka Idale New Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed Idalenews@yahoo.com