Xildhibaan Jeesow “Heshiiskii Addis Ababa Ayaa Dhigaya In Axmed Madoobe loogu Yeero Hogaamiye, Ma Ahan Madaxweyne”

0
276

Muqdisho(INO)-Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka ka keenay dhismaha Baarlamaanka Jubba, ayaa sheegay in Axmed Madoobe aan loogu yeeri karin Madaxweyne, ayna tahay wax sharci darro ah.

jeesow

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu yahay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba, taasoo laga tixraacayo heshiiskii Addis Ababa sida uu yiri.

“Illaa 27 Agosto waxaa Axmed Madoobe loogu yeeri karaa Hogaamiye, ma ahan Madaxweyne, waligeedna lama arkin Madaxweyne Madaxweyne magacaabaya, waa sharci daro, heshiiskii Addis Ababa ayaa ka dhigay Hogaamiye”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu qaatay tallaabo geesinimo leh, isla markaana uu ku saxayo qaladaadka jira, waxaana uu xusay in dhismaha Baarlamaanka Jubba uu yahay mid sharci darro.

Dhinaca kale Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay inay doonayaan in Maamul xalaal ah uu ka soo baxo Jubba oo ah maamul is dooranaya, isla markaana dowladdu laga rabo inay yeelato doorkeeda.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay u codeeyay mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubba, kaasoo lagu tilmaamay sharci darro.

Maamulka Jubbaland oo ka jawaabay go’aanka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka, iyadoo ugu yeeray Kismaayo inay yimaadaan xubnaha u matala Baarlamaanka federaalka ah.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here