Jahwareer ka taagan dib ugu noqoshada Reik Machar magaalada Jubba

0
292

Jubba(INO)— Iyadoo labo jeer isku xigta uu dib u dhac ku yimid dib ugu laabashadii Hogaamiyihii mucaaradka Koofurta Sudan Reik Machar ee magaalada Jubba ayaa waxaa soo baxaya caqabado ku hor-gudban dib ugu noqoshadiisa Caasimada.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa shaki gelinaya daacad ahaanshaha Mr Machar, waxaana laga cabsi qabaa inay taas horseedo bur bur ku yimaada heshiiskii bishii Agosto ee sanadkii hore.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda ay diidan tahay ciidamada faraha badan ee uu wato Reik Machar, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay gaaray Jubba.

Afhayeen u hadlay Reik Machar ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dib ugu laabanayo Caasimadda Jubba, ayna dhici karto in maanta xataa uu tago.

Dib ugu laabashada Mr Reik Machar ee magaalada Jubba ayaa waxay tallaabo muhiim u tahay hirgelinta heshiiska Nabadda ee bishii Agosto.

Sidoo kale waxaa hadii uu dib ugu laabto Jubba waxaa loo dhaarinayaa xilka Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan, waxaana isaga iyo Madaxweyne Salva Kiir ay soo dhisi doonaan dowlad midnimo qaran.

Tan iyo sanadkii 2013 markii ay bilowdeen dagaalada sokeeye ee Koofurta Sudan waxaa Mr Machar uu ka baxay magaalada Jubba, markii uu dhicisoobay isku day uu ku afgambi rabay Madaxweyne Salva Kiir.

Idale News Online, Jubba