Baydhabo (INO); Jaamacada Caalamiga ah ee Baydhabo (BIU) oo lagu bartay macalimiin qibrad uleh xaga waxbarida ardayda horena uqabatay barnaamijyo horumarin ah ayaa waxay bilowday siminaar sare loogu qaadayo ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee Baydhabo gaar ahaan kuwa fasalka 12aad ee sanadkan qalin jebinaya.
Sida uu inoo sheegay madaxa jaamadacada BAIDOA INTERNATIONAL UNIVERSITY Mustaf siminaarkani waxaa ka codsaday midowga iskuulada nidaamiga ah ee ka dhisan magaalada Baydhabo kaasi oo ay ku mideysanyihiin in kadan 15 iskuul oo magaalada caan ka ah, wuxuuna sheegay inay ka aqbaleen codsigii ay usoo jeediyeen madaxda midowga iskuulada nidaamiga ayna hawshii bilaabeen oo maalinkii 4 ay qabanayaan siminaarkaasi, wuxuu kaloo intaa raaciyey inta uu socdo siminaarkaasi inay ardayda casharo muhiim u ah waxbarashadooda ay ku qaadan doonaan marka uu dhamaadana ay siin doonaan shahaado muujineysa in ardaygaasi uu ka qeyb qaatay siminaarkaasi.
Guddoomiyaha midowga iskuulada nidaamiga ah ee Baydhabo Sheekh Cali Cadow oo la hadlay Warbaahinta Idale News Online ayaa usheegay inay aad iyo aad ugu faraxsanyihiin sida wanaagsan ee jaamacada BIU ay ugu aqbaleen codsigii ay ujeediyeen ee ahaa inay siminaar uqabtaan ardayda fasalka 12aad ee iskuulada midowga xubinta ka ah, sidoo kale guddoomiye Sheekh Cali Cadow waxa uu sheegay inay marwaliba utaagnaan doonaan qaab waliba ay sare ugu qaadi karaan ardayda iskuulada midowga hoos timaada iyo dhamaan ardayda wax ka barata iskuulada kala duwan ee deegaanka aysana ka caajisi doonin wax uqabashada dadkooda.
Iskaashigani ay sameynayaan Midowga iskuulada Baydhabo iyo Jaamacada BIU ayaa waxa ay muujineysaa in deegaanka ay kajirto waxbarasho tayo leh oo la taaban karo sidoo kale ay mid farax gelineysa ardayda deegaanka oo hore aaan isugu xirnaan jirin inay iska warhayaan dhamaan ardayda iskuulada kala duwan kala dhigata.
Jadwalka iskuulada la isugu aadiyey ee siminaarka loo siinayana waaa sida hoose:
- Baidoa primary & secondary school iyo Ma’mur primary & secondary school 20 – 21/03/2017
- Ma’rifa primary & secondary school iyo Ma’ruf primary & secondary school 25 – 26/03/2017
- Basha’ir primary & secondary school iyo Ramadaan primary & secondary school 27 – 28/03/2017
- Salahudin primary & secondary school iyo Model primary & secondary school 01 – 02/04/2017
Idale News Online,