Jiddah(INO)-Hogaanka Sare Ee Jaaliyadda KG Soomaaliya Ee Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo Jaaliyadda KGS Ee Dalka Austeralia ayaa si wadajir ah waxay Booqdeen xarunta Ururka Mu’tamarka Ee Caalamka Islaamka (World Muslim Congress)ee Magaalada Jiddah.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Dalka Austeralia Mudane Dr.Aweys sheekh Muxidiin iyo wefdi Uu horkacayo oo uu ka mid yahay G/Sare Maxamed Sheekh Muxidiin ayaa waxay la kulmeen Dr.Cabdullahi Cumar Naseif oo ah Gudoomiyaha Ururka World Muslim Congress, isla markaana Madasahaasi waxa Goobjoog ka ahaa Ex. Xildhibaan Mudane Cusmaan Buube Yuusuf Rooble oo ka mid ah Gollaha fulinta ahna wakiilka soomaaliya iyo Geeska Afrika Ee Ururuka WMC.
Sidoo kale Mudane Da’uud Maxamed lugyare Oo ah wakiilka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Dalka Sacuudi Carabiya iyo Hay’adaha Caalmka islaamka iyo madax kale ee Jaliyadaha sacudiga iyo Austeralia Ee konfur galbeed somaliya, ayaa Joogey, Shirkaasi.
Kulunka ayaa looga hadley arimo badan oo Khuseeya Soomaaliya iyo ururka WMC, waxaana lagu booriyey Ururka WMC, Sidii ugu qiib qaadan lahaa Xalislinta Xaalada Guud ee Soomaaliya, raadinta Geeda Socodka Nabadda Ee Koonfu Galbeed Soomaaliya, isla markaana waxa halkasi la isku afgartey Qodobadii lagaga wadahadaley.
Dr.Cabdullahi Cumar Naseif, Gudoomiyaha Ururka WMC ayaa Ku Riyaaqey Booqashadda Jaaliyadaha Sacuudiga iyo tan Austeralia ay ku yimaadeen Xaafiiskiisa isla markaana waxa uu Tilmaamey In Umadda Soomaaliya uu Ururka WMC mar weliba uu la Garabtaagan yahay Hiil iyo Hoo intuba.
Jaaliyadaha KGS Ee dalalka Sacuudiga iyo Tan Austerialia ayaa u Mahadceliyeen Ururka WMC,dadaaladii uu ka Geystey arimaha Bini’aadanimada Ee Soomaaliya iyo Taagyeeridda Ummadda Soomaaliya Tan iyo Markii ay Burburtey Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya ay wadeen taakuleynta Dadka Masaakiinta ah ee Ku nool koonfurta Iyo Bartamaha Soomaaaliya.
Ugu Dambeyntii,Ururka Mu’tamaka Ee Caalamka Isla markaana ayaa Soomaaliya taagyeerayey tan iyo Xilligii Dowladii Rayidka ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey Madaxweynihiis Hore Ee Soomaaliya Mudane AUN Aaden Cabdulle Cusmaan, iyagoona Mar weliba Ummada Soomaaliyeed ay la garabtaagnaayeen Taagyeero dhan weliba leh.
Idale News Online, Jiddah