Waxaa gudaha magaalada Baidoa iyo daafaheeda si habsami leh uga socda barnaamijkii Afurinta dadka Sooman ee Jaaliiyada Digil iyo Mirifle ee Dalka Australia ugu talagaleen sanadkan gaar ahaan afurinta dadka aan awoodin wax ay ku afuraan inta lagu jiro bishaan barakaysan ee ramadaan. Waxaana galab walba Jaaliyada Digil iyo Mirifle ufuriyaan dad lagu qiyaasay 200-500 qof, halkaasoo loogu diyaariyo afur.
Rabbi Ajar Iyo Xasanaad Haka Siiyee waxaa maalintii koowaad ee bisha Barakeysan ee Ramadaan barnaamijka afurinta dusha u ritay Gudoomiyaha Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Australia Mudane Awees Sheekh Muxiyadiin, waxaa habeenkii koowaad la afuriyey dad qiyaastii kor u dhaafeysey 318 qof oo goobo kala gedisan afur loogu sameeyey, waxaana goobahaas ka mid ahaa:
- Xasbiga Guud ee Magaalada Baydhabo oo ay ku jireen maxaabiis gaareysey 212 qof iyo ciidankii ilaalada Xabsiga oo iyaguna ahaa 38 qof.
- 2 Goobood oo ku yaala daafaha magaalada Baydhabo oo lagu afuriyey dad kor u dhaafaaya ilaa 177 qof
Daawo: Maalintii Koowaad ee Barnaamijka Afurta dadka dan yarta ah ee reer Baidoa ee Bishaan Ramadaan
Daawo: Maalintii Labaad ee Barnaamijka Afurinta Dadka Sooman ee Gudaha iyo Hareeraha Magaalada Baydhabo
Talaabada Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Australia iyo Madaxdeeda ay qaadeen ayaa ah arin wanaagsan oo aad loogu farxo ah oo runtii afur joogto ah u qoray dadka danta yarta ah ee aan awoodin in ay helaan afur gudaha magaalada Baydhaba iyo daafaheeda.
Waxaa xusid mudan in dadka Digil iyo Mirifle ee ku nool ay iyaguna balanqaadeen in ay ka qeyb qaataan barnaamijka afurinta dadka dan yarta ah: waxaa ilaa ilyo hadda website idalenews.com soo gaaraaya tiro muxsiniin ah oo soo gudbiyey magacyadooda si ay maalintooda ay u afuriyaan dadkaas aan awoodin waxayna magacyadooda kala yihiin sidatan:
- Axmed X.Maxamed Jiroon — Canada
- C/qaadir X.Amiin Bojaley —— Canada
- Huseen Awa Norwey
- Cismaan Maxuud Jumcale Canada
- Shankarroon Maxamed Ibraahim
- Mukhtaar Maxamed Aden Nayrobi
Idale News Online Baydhabo