Itoobiya Oo Shuruud Adag Ku Xirtay Wadahadal Ay La Gasho Jabhada Wadaniga Xureynta Ogadenia Ee ONLF

0
232

MN(INO)-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shuruud adag ku xiray wadahadal ay la galaan ururka ONLF ee dagaalka mudada dheer kula jiray  ciidamada  dowladda Federaalka Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in ONLF ay marar badan fashiliyeen wadahadallo ay kula jireen dowladda Itoobiya wuxuuna carrabka ku dhuftay iney shuruud adag ku xirayaan wadahadal ay la galaan ururka  hubaysan ee ONLF

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in wadahadal ay la galaan ONLF ay ka horeyso iney qaataan Dastuurka Itoobiya ee Muqaddska ah sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo xiligan ku sugan wadanka Maraykanka ayaa dhanka kale sheegay in deegaanka uu ka socdo horumar baaxad weyn oo ay kamid yihiin horumarka kaabayaasha dhaqaalaha iyo midka aas aasiga ah oo uu ka xusay Biyaha waxbarashada, Caafimaadka,Beeraha iyo  wax kabedel nolosha dadweynaha.

Wuxuuna sidoo kale sheegay in deegaanku uu ku tallaabsaday horumar dhanka kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismaha wadooyin laamiyo ah iyo horumarinta Isgaarsiinta casriga ah,wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney deegaanka ka socdaan Maalgashi ay ku samaynayaan Qurba joogta deegaanka kasoo jeeda.

Dowladda Itoobiya ayaa horaan rag ka tirsanaa saraakiisha sare ee ururka ONLF ku qancisay iney ka goostaan ururkaas isla markaane ay ka tanaasulaan fikirkii ay sanadaha badan usoo dagaalamayeen.

Idale News Online, MN USA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here