Isbedel Protocolka iyo Safarada Masuuliyiinta Sare ee Dowlada oo durbaba ay la timid Dowlada Madaxweyne Xasan

0
223

Tan iyo markii la doortey Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaayaa is bedel u muuqda in madaxweynaha ka dhabeynayo balanqaadyo uu sheegey in uu la imaan doono haddii xilka madaxtinada soomaaliya ku guuleysto oo ay ugu horeyso inuu yareynaayo safarada dibada iyo inuu wax ka qaban doono Protocolka dowlada ama qaabilaada wafuuda caalamiga ee dalka Somalia yimaada.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegey in uu baajiyey martiqaad uu ka helay dowlada Mareykanka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee magaalada New York kaasoo qorshuhu ahaa in bishan Sebtember 24keeda ka qeybgalo kulanka loo dhan yahay ee  golaha guud ee Qaramada Midoobay ka dibna Madaxweynuhu u gudbo magaalada Washington si uu ula kulmo madax sare oo dowlada Mareykanka ka tirsan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegey in  gebi ahaan la bedelay hab maamuuskii qaabilaada ee madaxweynaha iyadoo dhamaan masuuliyiinta iyo wufuuda imaaneysa Muqdisho iyo dalka lagu wargeliyey inay madaxweynaha kula kulmi karaan oo kaliya xafiiska madaxtooyada waxaana la mamnuucay kulamadii garoonka loogu tagayey wufuuda caalamiga. Sidaas si la mid ah ayaa Masuuliyiinta kale ee dowlada la farayaa in iyaguna protocolkaan cusub saameyn ku yeeshaan, iyagoo xafiisyadooda ku qaabili karaan masuuliyiinta dowladaha shisheeye ee  dalka soo booqda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aad  ah uga gaabsanaya inuu safaro dibada ah galo, waana mid ka mid ah talooyinka ay siiyeen dadka isaga ku dhow.  Saraakiisha ku dhow madaxweynaha waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu doonayo inuu ka dhabeeyo ballanqaadkii ahaa “isbedelka” oo micnihiisu yahay inuu la iman doono hab dhaqan ka duwan kii ay ku caanbexeen madaxdii ku meelgaarka oo safaro aan dhamaan oo joogto ah  ku bixin jiray dunida dacaladeeda, safaradaasi oo ku bixi jirey lacag dadka iyo dalka Soomaaliyeed wax u qaban karey.

Idale News Muqdisho