Madaxweyne Shariif Sheikh Ahmed oo dhowaan kalsooni ka helay Xoghaya Arrimaha Dibada Ee Mareykanka Ms Hillary Clinton mar ay kula kulantey magaalada Nairobi & qaar ka mid ah dowladaha dariska sida Jabuti iyo dalalka ay ciidamadoodu joogaan Somalia ee Uganda & Burindi ayaa u muuqda mid haysta taageero xoog leh oo mar kale u suurto galin karta inuu kaga guuleysto musharaxiint kale ee loolan ku jirta marka la gaaro tartanka doorashada Madaxtinimada Somalia ee dhici doonta Bishaan August 20keeda.
Guddoomiyaha Barlamaanka Sharif Xasan Sheekh Aadan oo aan taageero siyaasadeed oo muuqata mid safka hore kaga jira eedeynta UN Monitoring Group isla markaasna aan haysan inta badan taageerada shacabka Soomaaliyeed, dalalka gobalka iyo reer galbeedka gaar ahaan dowlaha Mareykanka & Britian marka laga reebo Melez Zenawi oo ku xanuunsanaaya Isbitaal ku yaala Belguim, ayaa bilaabey dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo isbahaysi uu la galo Maamulka Puntland si loo wiiqo awooda isbahaysiga musharaxiinta kale ee 9ka ah ee uu horkacaayo Prof Axmed Ismail Samatar iyo Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo markaan isna taageero badan haysta.
Isbaheysiga cusub ee Madaxweyne Farole & Shariif Xasan ayaa durbada bilaabey in ay ku xadgudbaaan protocol Madaxweyne Shariif oo aan xilkiisa dhamaan xili hogaamiyaasi ku sugnaayeen Magaalada Nairobi si Madaxweynaha iyo beesha caalamka la isaga hor keeno isla markaasna loo tusi in madaxweynaha caqabad ku yahay dhameystirka process Roadmap, taasoo runtii Madaxeweyne Shariif ka careysiisey balse aa wax khilaaf ah uu kaga soo tagey shirka u sheegin saxaafada gudaha iyo dibada balse ku gaabsadey inuu dib ugu soo noqdey Muqdisho howlo iyo balamo markaas uu lahaa.
Waxaa xusid mudan intii uu shirka saxiixayaasha ee Nairobi socdey, in Shariif Xasan Sheekh Aadan soo jeediyo in la soo hormariyo doorada Madaxweynaha, dibna loo dhigo tan guddoonka Barlamaanka. Soo jeedintaas oo ay ku raaceen maamulka Puntland ee Madaxweyne Faroole, Prof Abdiweli Ali Gaas iyo saxiixayaashii kale ee ku haray ayaan suurto galin maadaama barlamaanku yahay barlamaan cusub sida sharciga qabana ay tahay in marka hore guddoonkiisa la doorto ka dibna gudoomiyaha cusub iyo ku xigeenadiisa ay diyaariyaan doorashada Madaxweynaha Somalia.
Madaxweyne Shariif ayaa haysta taageerada qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Beelaha Digil iyo Mirifle, Hawiye, Sade Darood, Absame iyo Beelaha Direed oo intaba leh miisaan siyaasadeed oo aan cidina inkiri karin ayaa hortagaan isbaheysiga cusub isla markaasna codod ku filan iyo miisaan xoog leh siin kara Madaxweyn Sharif Sheikh Axmed iyo Isbaheysiga Musharaxiinta kale ee Prof Axmed Ismail Samatar.
Dad badan ayaa rumeysan in haddii 2 daran kala dooro ay timaado, Madaxweyne Sharif dib loo soo dooran doono maadaama Shariif Xasan iyo Faroole siyaasad ahaan la jecleyn hab-dhaqanka Somalia iyagoo dadka qaarkii ku tilmaamaan hurinta colaad & iska horkeenka bulshada isla markaasna danahooda gaarka ah ka hormariyaan midda guud ee Qaranka Soomaaliyeed.
Haddii aysan beesha caalamku soo faragalin process socda isla markaasna aan la helin isbedel dhab ah oo horseedi karta iney meesha ka baxaan dhamaan madaxda sare ee dowladda taasi waxay fursad mar kale siineysaa Madaxweyne Sharif Sheikh Axmed oo marka dib loo soo doorto maadaama marka la barbardhigo isbaheysiga cusub ee Madaxweyne Faroole & Sharif Xasan uu aad uga sumcad iyo wadani badan yahay.