Isbaarooyinkii ugu badnaa oo lasoo dhigay inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

0
172

Waxaa maalintii Lixaad xoran wadada isku xirta afgooye ilaa wanlaweyn, waxaa ayna u xirantahay ciidamada militariga soomaaliya oo jidgooyooyin fara badan halkaasi soo dhigtay.

Gaadiid fara badan oo ah kuwa qaada xamuulka ayaaku xaniban degmada afgooye, gaadiidleydaas ayaa sheegay inay ciidamada dowlada ay soo dhigteen isbaarooyin fara badan taasi oo looga qaado lacago fara badan oo aysan awoodin.

Waxaa aad u yaraaday gaadiiidka ay adeegsadaan shacabka kuwaasi oo aan sidii hore u howl galin sawabo la xiriira isbaarooyinka ay soo dhigteen ciidamada dowlada.

Ciidamda wata astaanta qaranka soomaaliya ee ay dowlagu geysay gobolka sh.hoose ayaan ah ku wo kazoo wada jeeda hal beel, ayna dhibaato joogta ah ku haayaan dadka shacabka ah ee degan sh.hoose.

Wadada isku xirta Afgooye ilaa marka ayay gaadiidleyda wax dhib ah ku qabin, waxaana wadadaas amaankeeda suga ciidamada deegaanka kasoo jeeda oo aan dhigan wax is baaro ah.

Melaha ay gacanta ku haayaan ciidamada dowlada ooh al heeb kazoo wada jeeda ayaa aad looga deyrinayaa hab dhaqankooda, waxaa ay na dhac joogta ah u geestaan dadka shacabka, xiliga habeenkii ayay dadka wadooyinka u galaan halka markuu waaga baryana ay isbaaradooda kusoo laabtaan.

Marjito ilaa hada saraakiisha sarsare ciidanka militariga oo arintaan ka hadlay, wasaarka gaashaandhiga waxaa uu hada ka hor cadeeyay in ciidanka militariga ay yihiin halbeel oo kaliya mana jiro ilaa hada dadaalo rasmi ah oo ay wado wasaarada gaashaandhiga iyo guud ahaan xukumada soomaaliya oo wax looga qabanaayo falalka guracan ee ay geysanaayaan ciidamadan u abaabulan qab qabiil watana astaan qaran.

ciidan_1

Idale News Online, Baydhabo.