Isbaaro Xeelad Cusub Ah Oo Kusoo Korortay Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Wanlaweyn!

0
199

Wanleweyne(INO)-Inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa yaala isbaarooyin aad u badan oo intooda badan la sheego in ay u taalo ciidamo katirsan Milatariga Dowlada Soomaaliya.

Isbaarooyinkan ayaa lacago kala duwan looga qaadaa gaadiidka mara wadooyinkaasi, waxaana markii hore lacagaha isbaarada laga qaadi jiray kaliya gaadiidka xamuulka sida iyo kuwa ay dadweynaha raacaan hasa ahaatee waxaa hada kusoo biiray in lacago laga qaado gaadiidka yar yar ee nuuca raaxada ah.

Degmada Wanlaweyn waxaa masaafo u aada dhalinyaro badan oo kunool Magaalada Muqdisho , waxa ayna inta badan kireestaan gawaari yar yar si uusan waqti badan ugu qaadan safarka Wanlaweyn loona fahmin gabadha lasoo mehrinayo.

Raga Isbaarada dhigta inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Wanlaweyn ayaa bilaabay kaartooyin cusub ay lacago badan uga qaadaan gawaarida yar yar ee wada wiilasha iyo gabdhaha doonaya in ay isa soo xirtaan.

Mid kamid ah Darawalada gawaarida yar yare e qaada dhalinta Masaafada u aada Wanlaweyn ayaa noo sheegay in raga isbaarada u taalo ay kusoo ragaan gawaarida yar yra ee Masaafada wada lacago badan iyadoona hadii ay adkaato lacagahaasi loona sheego inaan la siin Karin ay ku dhagaan gabadha masaafada loo wado.

‘’Walaalow yaabka jira markiihore lacago yar hadii la siiyo wey qaadan jireen raga isbaarada dhigta jidka xariiriya Muqdisho iyo Afgooye ,hada lacago badan ayey rabaan hadii lagu adkeeyana waxa ay soo dajinayaan gabadha masaafada loo wado iyaga oo ku amraya in ay u sheegto lambarka aabaheed si ay u wacaan uguna wargaliyaan in ay hayaan gabdhiisa oo Masaafo loo sii wato, taa oo keenta hadii xal kale la waato in raga isbaaroleeda la siiyo lacagta ay dalbayaan’’’ Ayuu yiri mid kamid ah Dawaralada masaafada u qaada Wanlaweyn.

Raga isbaarada dhigta Wadada xariirisa Muqdisho iyo Wanlaweyn ayaa hada si gaar ah u beegsada gawaarida sida dhalinyarada masaafo doonka ah si ay lacago badan uga helaan, waxa ayna arintaan keentay in ay yaraadaan dhalinyarada Masaafada u aada Wanlaweyn halka dhalinyarada qaar aan awoodin bixinta lacagaha badan ee jidka ku baxaya ay bilaabeen in ay raacaan gaadiidka dadweynaha sida Caasiyada.

Idale News Online, Wanleweyn