Is rasaaseyn Askar Ay Ku Dhinteen Oo Ciidamo ka wada tirsan DFS ku Dhexmartay Muqdisho

0
305

Muqdisho ( INO )-Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay 1 kalana waa uu ku dhaawacmay kadib is rasaaseyn xalay Magaalada Muqdisho ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhamaman dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen Askar ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed halka qof dhaawacmayna uu yahay Askari ka tirsan Ciidanka  Milatariga Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegay in is rasaaseyntaas ay ka dambeysay kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida oo ku sugan Kontarool ay ku leeyihiin nawaaxiga Air-Port-ka Muqdisho ay tacshiirad huwiyeen gaari uu la socday Sarkaal Ciidanka milatariga ka tirsan taas oo dhalisay iska hor imaad toos ah.

Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo Shabelle wareysi siiyay ayaa sheegay in arrintaan ay ka dambeysay ka gadaal markii Nabad Sugida ku sugan agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ay heleen macluumaad la xiriira weerar ku soo fool leh garoonkaasi.

Si kastaba waxaa goobta tagay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo kala qaaday labada dhinac.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here