Is-beddel Lagu Sameeyey Talliska Booliiska Gobolka Bari.

0
212

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 1-dii bishan xilkii ka qaadayTaliyihii Qaybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland G/sare Cismaan Xasan Cawke, waxaana isla xilkaasi loo magacaabay Taliye cusub oo lagu magacaabo G/sare  C/raxmaan Cali Xuseen (Muslim).

Xilwareejin ayaa maanta ka dhacday Xarunta Qaybta Booliska ee Gobolka Bari. Taliyaha xilka laga qaaday ayaa beeniyey warar ay daabaceen qaar ka mid ah warbahainta gudaha oo la xiriirinayey dilka sarkaal ka tirsan ciidamada daraawishta Puntland.

Taliyaha cusub Col Afdalow ayaa labo jeer loo magacaabay Taliyaha qeybta gobolka Bari, waxaana uu mar sidoo kale noqday Taliyaha qeybta gobolka Nugaal.

Xilwareejinta ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu shalay digreeto ku magacaabay Gudoomiyaha cusub gobolka Nugaal isla markaana xilka ka qaaday Gudoomiyihii hore.

sawirada-xil-wareejinta-2-300x168

Idale News Online, Muqdisho.