IOM oo ku baaqday in wax laga qabto Abaarta ka jirta Somalia

0
230

Muqdisho(INO)-Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa dalbaday 24.6 milyan oo doolar-ka Maraykanka ah  Si  wax looga qabto abaaraha sii fidaaya ee Soomaaliya ka jira.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahan yahay boqolaal Milyan oo dollar  in la helo si wax looga qabto Abaaraha ka jira Geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in aan indhaha laga qarsan dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhacaya Soomaaliya ee ay sababeen abaaraha.

” Lacagtaan hadda uu dalbadayIOM waxaa loogu tala galay in wax looga qabto abaaraha iyo sidoo kale Nafaqa darada ka jirta Soomaaliya, waxa loo baahan yahay in si deg deg ah sare loogu qaado gurmadka, dad badan ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan Abaaraha” ayuu yiri Stephane Dujarric.