Indonesia Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Sideed Nin Oo Daroogo Lagu Qabtay Gudaha Dalkaasi

0
241

Jakarta(INO)-Indonesia, ayaa waxay saqdii dhexe ee caawa saacada dalkaasi, ay xukun dil toogasho ah ku fulisay sideed nin, oo lagu eedeeyay in gacanta lagu soo dhigay iyagoo sida daroogada, oo ka mamnuuc ah dalkaasi.

Xeer Ilaaliyaha Guud Indonesia Eddy Arta Wijaya oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Dowladda Indonesia ay xukun dil ah ku fulisay sideed ka mid ah, sagaal ruux oo saqdii dhexe ee caawa la qorsheeyay in la toogto.

Haweeney u dhalatay dalka Philippine oo ka mid ah dadka lagu waday in la toogto, ayaa laga reebay toogashada daqiiqadii ugu dambeysay. Haweeneydaasi waxaa lagu magacaabaa Mary Jane Fiesta Veloso, sababta toogashada looga reebayna ma cadda.

Indonesia2
Xeer Ilaaliyaha, ayaa wuxuu tibaaxay inay tani fariin cad u noqon doonto dadka doonaaya, inay daroogada soo geliyan dalka Indonesia, iyadoo la burburinayo jiritaanka dalkaasi, sida uu yiri.

Indonesia6

Ragga la toogtay, ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Australia, Brazil, Ghana, Indonesia iyo Nigeria. Nin u dhashay dalka Faransiiska oo horey dil loogu xukumay, ayaa racfaan ka qaatay xukunkaasi.

Qoysaska dadkan oo niyad jebsan, ayaa waxay maanta ku booqdeen xabsi si aad ah ammaankiisa loo adkeeyay oo ku yaala Jazeerada Nusakambangan. Waxayna booqashadan ahayd middii ugu dambeysay, sida ay horeyba u sheegtay Dowladda Indonesia.

 Wadamada Reer Galbeedka, ayaa si xoogan u cambaareeyay xukunka dilka ah, ay Dowladda Indonesia ku fulisay sideeda qof, xilli la qabtay, iyagoo faraha kula jira ka ganacsiga daroogada.

Dowladda Australia, ayaa waxay Dowladda Indonesia ka codsatay inay u naxariisato laba nin oo heystay dhalashada dalkaasi, oo ka mid ahaa dadka xukunka dilka ah lagu fuliyay.

Indonesia4

Indonesia7

Myuran Sukumaran iyo Andrew Chan oo heystay dhalashada dalka Australia, ayaa waxay laamaha ammaanku soo qabteen, iyagoo darooga sida, waana midda keentay xukunka dilka ah ay muteysteen.

Eedeysane-yaasha qaarkood waxay Maxkamadi ka hor qirteen in la qabtay, iyagoo daroogo ka dhoofinaya dalkaasi, halka qaarka kalana la qabtay iyagoo soo gelinaaya.

Indonesia8
Dad maanta isugu soo baxay Jazeerada Nusakambangan, ayaa waxay wateen boorar ay ku codsanayan inaan la toogan eedeysane-yaasha, iyadoo dareen naxariis ihi loo muujinayo.

Indonesia5

Indonesia, ayaa waxay iska dhego tirtay baaq xoogan oo kaga imanaayay Australia iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha, waxayna qaadatay tallaabo aynaan ka laba labeen. Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ayaa taageeray go’aankii ugu dambeeyay ee Maxkamaddu ka qaadatay xukunka lagu riday eedeysane-yaasha.

Indonesia4 Idale News Online, Jakarta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here