Ina C/rashiid oo sheegay in uu ka wal wal qabo dagaalo sokeeye oo ka dilaaca Gobolada Jubbooyinka

0
183

Cumar

Raa’isal Wasaarihii hore ee Xukuumadii Kmg Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa wuxuu ka hadlay khilaafaadka daran ee ka taagan shirka ka soconaaya Magaalada Kismaayo.

Raa’isal Wasaarihii hore ayaa wuxuu sheegay in uu khilaafaad adag uu ka dhex taagan yahay Ergada ka qeyb galeysa shirka ka soconaaya Magaalada Kismayao.

Ergada ayuu sheegay inay xilligaan isku mari la’yihiin shirka ka soconaaya Magaalada Kismaayo, balse wuxuu sheegay in wax kasta oo horumar leh lagu gaari karo, iyadoo tanaasul la sameeyo.

Wuxuu sheegay in uu xilligaan uu ka wal wal qabo dagaalo sokeeye oo dib uga dilaaca Gobolada Jubbooyinka, oo uu sheegay inay soo mareyn dagaalo dhibaato badan abuuray.

Masuulkaan ayaa wuxuu ku baaqay in la sameeyo tanaasul iyo niyad wanaag, si loo helo Maamul tayo wanaagsan leh oo ka hana qaada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa wuxuu Ergooyinka ku hawlan Dhismaha Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu faray inay dadka ugu adeegaan si habsami leh.

Idale News Muqdisho