In ka badan lixdan Ruux Oo Lagu Dilay waqooyi bari Dalka Nigeria

0
231

Abuja(INO)— Wararka ka imaanaya dalka Nigeria ayaa sheegaya in weerar tuulo ku taal waqooyi bari dalkaas lagu dilay lixdan ruux oo rayid ah, kadib markii ay weerartay Kooxda Boko Haram.

Weerarkan oo dhacay khamiistii ayaa lagu qaaday deegaanka Kukuwa oo ka tirsan Gobolka Yobo, waxaana warbixintan laga helay dad ka bad baaday weerarkaas.

Dadka degenaa tuulooyinka ayaa la dilay, xilli ay ka qaxayeen kooxo hubeysan oo ka tirsan Boko Haram.

Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in tobaneeyo dagaalyahano ka tirsan Boko Haram ay tuulada yimaadeen, iyagoo watay mooto dhug-dhugley, dabadeedna ay bilaabeen inay dadka deegaanka toogtaan.

Xaalada ammaan ee gobolka waqooyi bari Nigeria ayaa sii xumaanaya, waxaana deegaanadaas laga saaray Boko Haram, inkastoo weeraro xiriir ah ka geystaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Nigeria oo ku aadan weerarkan dadka faraha badan lagu dilay, waxaana inkastoo ciidamada Nigeria howl gallo ka dhan ah Boko Haram wadaan, hadana waxay kooxda weeraro ka wadaa qeybo ka mid ah dalkaas.

Idale News Online, Abuja

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here