In ka badan 80 Soomaali ah oo saakay laga tarxiilayo Kenya.

0
198

Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyata, waxaa saakay ku sugan diyaarad sida in kabadan 80 Soomaali ah, kuwaasoo ku wajahan magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Safaarada Soomaaliya ee Nairobi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qeybti 2aad Soomaali sharci daro ku joogtay dalka Kenya ay ku wajahanyihiin magaalada Muqdisho.

Dadkan laga tarxiilayo dalka Kenya, ayaa sida la xaqiijiyay waxaa u badan Haween, Caruur iyo dad da’ ah.

Isbuucii hore ayaa 82 qof oo Soomaali ah, islamarkaasna ay tarxiishay Dowlada Kenya, waxaa laga dajiyay magaalada Muqdisho.

tarxiil

Idale News Online, Kenya.