Dagaalka Siyaasadseed ee ka dhex dilaacey hogaankii sare ee dalka Koofurta Suudaan ayaa sababey dhimashada dad kor u dhaafaaya 500 qof. Wasiirka Gaashandhiga dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in 500-qof ugu yaraan ku dhinteen, tiro aad u badanna ay ku barakaceen gudaha magaaladaasi.
Xiisadaan dhalisey dagaalka siyaasadeed ee dalka South Sudan ayaa ka dhalatay ka dib markii madaxweynaha dalkaasi Zulfikar uu xilka ka xayuubiyey ku xigeenkiisii Riyaq Mashad, taasoo sidoo kale la sheegaayo in dowlada madaxweyne Zulfikaar ay ku eedeeyey Riyaq Mashad inuu isagu ka dambeeyey afgembigii dhicisoobey oo maalmo ka hor dalkaasi ka dhacey. Waxaa muuqada in labada Masuul ay taageero ku helayaan ciidanka militariga dalkaasi oo iyagu la kala safan masuuliyiinta uu dagaalku u dhaxeeyo.
Xaalada magaalada Juba ayaa ilaa wali aan deganayn waxaana jira in dagaalo goos goos ahi ka dhacayaan meelo kala duwan oo ka mid ah, caasimadda dalkaas ee Juba, baaqyo caalami ah ayaa labada dhinacba looga soo diyarayaa dunida, kuwaas oo lagaga dalbanayo in dagaalka ay joojiyaan, lamase ganaranayo inta ay xiisadani sii socon karto.
Idale News Online.