In ka badan 40 askari oo lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Yaman

0
159

SANCA(INO) – Ugu yaraan 40 askari ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo uu gaystay qof isqarxiyey oo ka dhacay magaalada dekadda leh ee Cadan ee koonfurta dalka Yemen.

Weerarka oo ka dhacay goob ku dhaw saldhig ciidan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo fara badan, waxaana lala beegsaday askarta oo ku jirtay saf si ay u qaataan mushaarkooda .

Weerarkan ayaa noqonaya weeraro xiriir ah oo lagu beegsanayo ciidamada la qorayo dalka Yemen.

Ugu danbeyntii, todobaadka ka hor, xoogaga la baxay dawladda Islaamka ayaa ayaa ku dilay 50 askari magaalada Cadan, halkaas oo ay ka taliso dowladda caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yemen.