IMF oo Somalia ka caawineysa Daabacaadda Lacagaha Shling Somalia

0
236

Muqdisho ( INO)-Hay’add lacagta aduunka ee IMF ayaa shaacisay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay ka caawinayso daabacaada lacag cusub oo Shillin Soomaali ah, markii ugu horeysay mudo 25 sano ah.

Wakiilka IMF ee Somalia Samba Thiam ayaa sheegay in 98% lacagta laga isticmaali Somalia ay tahay mid faalso ah, oo dad gaar ah soo daabacsaday, halka 2% ay tahay lacagta saxda ah, oo la daabacay 1990.

Wuxuu sheegay Samba Thiam in lacagta sax ah oo la isticmaali karo aanay ka jirin Somalia, wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimadana aysan jirin lacago lasoo daabacay, oo xeerarka caalamiga ah waafaqsan.

Madaxa IMF ee Somalia ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in lacag cusub loo soo daabaco, maadaama tii hore  iminka laga duugoowday, taasi oo keentay in Shacabka ay si ballaaran ugu tiirsanaadaan lacago qalaad iyo mid Electronic ah.

Wuxuu sheegay Samba Thiam in Somalia kaalinta 5-aad ka gashay Qiimeynta IMF ee waddamada ugu faqrisan dunida, taasina ay ugu wacan tahay lacag la’aanta iyo dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hadalka IMF ayaa kusoo beegmayo xilli ay dowladda Somalia shaacisay dhawaan inay wado qorsho cusub, oo ay dib ugu soo daabacayso lacago shilin Soomaali ah, oo dalka uu lahaan jiray kahor burburkii dowladdii dhexe 1991.