Imaaraadka carabta oo Mashaariic Horumarineed ka fulinaya wadanka Soomaaliya.

0
209

Muqdisho:Mashaariicdaan horumarineed oo ugu horeyn laga fulinayo 10 degmo oo ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Imaaraadku sheegtay in ay ku taageereyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shir Jara’id oo ay si wada jir  u wada qabteen Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeyn Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DF  ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay u ballan qaaday dowladda Imaaraadka in ay taageero horumarineed u fidineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

dhan kale Max’ed Al Cuthmani oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Mashaariicdaan oo ay ka faa’ideysan doonaan dhammaan Gobollada dalka ugu horeyn ay ka faa’ideysan doonaan Degmooyinka Afgooye, Beydhabo , Jowhar iyo Marka.

“ Mashruucaan mid kasta oo ka mid ah waxa uu ka kooban yahay dhismaha Labo Iskuul  , Xarun Maamul iyo Xarun Caafimaad” ayuu yiri Max’ed al Cuthmani Safiirka dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Safiirka Imaaraadka carabta ee Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay ka hirgelinayaan Isbitaalka Al Meydaan Emarates.

IMAARADKA

Idale News Online, Muqdisho.