Imaanshiyaha Madaxweyne Erdogan oo saameyn xoogan ku yeelatay Shacabka Soomaaliya

0
457

Muqdisho (INO)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah uu magaalada Muqdisho soo gaaro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Erdogan oo kasoo ambabixi doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa imaanshiyihiisa muqdisho kadib kulamo la qaadan doona Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Erdogan waxa uu sidoo kale xariga ka jari doonaa safaarada Turkiga ee dhowaan ay ka dhisatay magaalada Muqdisho iyadoo safaaradana ay tahay mid si casri ah loo dhisay, waxana la sheegay in safaaradan ay ka mid tahay safaaradaha ugu casrisan ee ka dhisan qaarada Afrika.

Ciidamo aad u farabadan ayaa lasoo dhoobay wadooyika magaalada Muqdisho waxaana xiran gabi ahaan wadooyinka oo laga mamnuucay dadka iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Dhanka kale, Erdogan iyo Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in si wada jir ah ay ula hadlaan saxaafada.

Idale News Online, Muqdisho