Daaawo: Ilka Xanaf oo ka hor yimid xil-ka-qaadistii lagu sameeyey iyo Xildhibaano Madaxweynaha ku tilmaamey kali talisnimo

0
510

Mogadishu (INO) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka ayaa ka horyimid xilka qaadista lagu sameeyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Caydiid Ilka Xanaf, waxayna sheegeen in Madaxweynuhu uusan xil ka qaadis ku sameyn karin Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, ayna tahay xadgudub iyo sharci daro dastuurka ah oo mar kale madaxweynuhu sameeyey. Waxayna sheegeen in xilka qaadista Madaxda sare ee garsoorka ay la mid tahay in madaxweynuhu  sidoo kale digreeto ku kala diri karo Golaha Sharci dejinta dalka  haddii aan maanta laga hortagin arrintaan.


Mid ka mid ah qodabadii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  xil ka qaadistiisa ku sababeeyay ayaa ah in da’diisa 85-sano gaartay,  isla markaasna xiliga howlgab uu dhaafey, hase ahaatee arrintaasi waxay xildhibaanadu ku tilmaameen in Madaxweynuhu horey  xil sare ugu magacaabey  danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushka oo da’diisu da’diisu ka weyneyd 80 jir, isla markaasna qaraabo dhow ay ahaayeen, macalinkiisana ahaa.

Maxuu Dastuurka ka qabaa Xil ka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare?

Qodobka 90aad ee Dastuurka dalka waxuu leeyahay  “Madaxweynuhu wuxuu magacaabaa ama xilka ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.”. Ilaa iyo hadda ma jirin golaha adeega dastuurka oo la meel mariyey.

Haddaba Waa Immise Xubnood Guddiga Adeega Garsoorka ee soo jeedinta xil ka qaadista iyo magaacista Gud. Maxkamada Sare leh?

Qodobka 109A. Golaha Adeegga Garsoorka

(1) Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal (9) xubnood, oo kala ah sida soo socota: (a) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka; (b) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare; (c) Garyaqaanka Guud; (d) Laba (2) Garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid walba xilli afar (4) sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen; (e) Qofka Guddoomiyaha ka ah Guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo (f) Saddex (3) qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediya.

Dhanka kale, Caydiid Ilka Xanaf oo la hadley saxaafada ayaa sheegay in isaga aanu si rasmi ah loo soo gaarsiin wareegtada xil ka qaadista, wuxuuna ka gaabsaday inuu intaasi ka badan arrintan ka hadlo.

Xil ka qaadistan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddo gaaban ay ka harsantahay waqtiga xukumadda Soomaaliya, lana filayo in baarlaman cusub iyo madaxweyne cusub lasoo doorto.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud oo ka hadlay xil kaqaadista Ceydiid Ilka Xanaf iyo Magacaabista Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, hoos ka dhageyso.

Idale News Online, Mogadishu, Somalia