IGAD oo soo dhoweysay doorashada Axmed Madoobe, kana digtay cid kasta oo carqaladeyneysa

0
256

Muqdisho(INO)— Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo shalay ka qeyb galay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in IGAD ay soo dhoweyneyso doorashadaas.

Danjire Afey ayaa sheegay in habka doorashada u dhacday ay aheyd mid dimoqraadi ah, isagoo u hambalyeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loo doortay.

“Doorashadan waxay aheyd mid hab dimoqraadi ah u dhacday, waana soo dhoweyneynaa, madaxweynaha la doortay Axmed Madoobe waa u hambalyeynayaa”ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan la aqbali doonin in xoog lagu maquuniyo, isagoo u digay in cid kasta oo dooneysa inay nidaam jira carqaladeyso tallaabo laga qaadi doono sida uu yiri.

“Ciddii isku dayda in nidaam jira ay maji xaabeyso oo dhibaateyso anaga waa far fiiqeynaa, tallaabo ayaa laga qaadayaa, fowdo dambe ma ogolaaneyno”ayuu yiri Maxamed Cabdi Afey.

Urur Goboleedka IGAD ayaa horay dhex dhexaadin uga ahaa wada hadaladii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka, waxaana la rumeysan yahay in geedi fadhi u ahaayeen Maamulka Axmed Madoobe, oo ay gadaal ka taageerayeen.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here