IGAD Oo Beenisay Iney Ku Lug Leedahay Wadahadalada Siyaasadeed ee Garowe

0
278

Garowe(INO)- Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa beeniyay iney ku lugleeyihiin wadahadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo ka socdo magaalada Garowe.

Masuuliyiinta urur goboleedka IGAD ka tirsan oo warbaahinta lahadlay ayaa laga soo xigtay in magaalada Garowe aysan u tagin arimo siyaasadeed balse ay u tageen dhanka arimaha bulshada iyo xaaladaha ka jira deegaanada Puntland.

Axadii ayaa wafdi ka socdo IGAD oo uu hogaaminayay Maxbuud Macalin xoghayaha guud ee IGAD tageen magaalada Garowe, waxaana ay madaxda Puntland kala hadleen arimaha dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed.

Sidoo kale masuuliyiinta IGAD ee warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maxbuub Macalin iyo C/welli Gaas ay ka wadahadleen wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyadoo IGAD ay balanqaad u sameysay Puntland.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in Puntland ay u balanqaadeen iney ka taageeri doonaan waxka qabashada abaaraha ka jira deegaanada qaar ee maamulka Puntland.

Idale News Online,

Somali News Desk, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here