Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo Maanta ka hadlayay Xeerka Saxaafadda dalka mar uu shir Jara’id ugu qabtay Saxaafadda Xafiiskiisa ayaa adeegsaday Ereyo looga bartay Ururka Al Shabaab.
Ururka Al Shabaab ayaa Marka ay durayaan Shaqsiyaadka la shaqeeya Hay’adaha Ajnabiga ah ku sheega in ay yihiin Murtadiin ama kuwa Diinta Islaamka ka baxay hasa yeeshee Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciil Mooge Xirsi ayaa isna sheegay hadal la mid ah kuwii ay Al Shabaab sheegi jireen, wasiirka oo sharaxayey in dad ay dibadda ka soo waceen oo ay waydiiyeen in xeerka saxaafada uu ku qoran yahay qodob ah in qof 40 sanno ka yar aan loo ogolaan saxaafada ayaa yiri
“ waxaan ognahay qudheenna in ay Jiraan dad yar oo shisheeye u shaqeeya oo ka qaata ama la dhihi karo dad ajnabi ah ka hela xoogaa fund ah (lacag ka hela ) waxaan rabaa inaad ogaataan inagu dal xor ah ayaan nahay Dawlad xor ah oo isku kalsoon oo sharcigeeda aaminsan oo iyadu wax qorata, cidna uma daba fadhinno Ajnabi waxaad rabto adigu ka hel ka shaqayso laakiin Soomaaliya sharci aan inagu sameynay oo xukuumadani samaysay ayaa lagu Maamulayaa” ayuu Yiri Ciilmooge.
Hadalka Wasiirka ayaa u Muuqda mid cabiraya aragti ah in isaga oo ku hadlay Magaca dowladda Soomaaliyeed in uu Xor yahay balse kuwa la shaqeeya Hay’adaha Ajnabiga ay ku jiraan Gumeysi.
Waxaana xusid Mudan in shirar badan oo Caalami ah loo qabtay dowladda Soomaaliya si loo taakuleeyo kuwaasi oo dhaqaalo fara badan loogu yaboohay Dowladda Federaalka ee uu Ciilmooge ka tirsan yahay.
Xilligaas oo ay dowladda Soomaaliya guddoontay Ballan qaadyadii loo sameeyay miyuu Wasiirku Gumeysi Ku jiray oo markii la waayay ballan qaadyadaasi amaba la helay ayuu ka baxay ?!
Dhanka kale Su’aasha isweydiinta Mudan ayaa waxa ay tahay dowladda Soomaaliya meesha ay uga kaaftoontay gacan shisheeye Gaar ahaan Wasaaradda uu hormuudka ka yahay Mr Ciilmooge ee Warfaafinta oo qalabka ay ku shaqeyso ay siiyeen Hay’ado Shisheeye islamarkaana haatan ay taakuleeyaan.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa muujiyay in Xeerkaan Saxaafadda illaa ugu badnaan 5 Hay’ad Saxaafadeed ee isagu uu aaminsan yahay in sida uu rabo aaney u fulin Xeerka Saxaafadda ee isagu uu hormuudka ka yahay uu ka dalbaday Saxafiyiinta kale in aaney difaacin marka isagu uu sharciga jeebkiisa uu ugala soo baxo, waxaana dhanka kale uu carabka ku dhuftay in ay jiraan Dagaal oogayaal Saxaafadeed oo uusan Carabaabin cidda ay yihiin.
Shirka Jaraa’id ayaa ku soo beegmaya Xilli 7aadkii hore ay Xukuumaddu ansixisay Xeerka Saxaafadda dalka
Xigasho Shabeele Media News.