HRW Oo ku Baaqday Baaritaan Caalami Ah in Lagu Sameeyo Xasuuqii AMISOM Ka Geystey Wardiinle Ee Gobolka Bay

0
237

Geneva(INO)- Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku baaqday in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo dhibaatooyinka ay ciidamada  AMISOM ka geysanayaan gudaha Soomaaliya.

Laetitia Bader oo ka tirsan hay’addan ayaa sheegay in AMISOM weli aaney faah-faahin rasmi ah ka bixin tacadiga ay u geysatay rayidka ku sugan Magaalooyinka howlgalka u joogaan AMISOM.

Waxa uu sheegay Mr. Bader in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay laga doonayo iney baaraan dilalka kala duwan ee shacabka loo geystay, waxaana si gaar ah uu farta ugu fiiqay 14 ruux oo sanadkii tagey ee 2016 ay ciidamada Itoobiya ku dileen deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay, iyadoo illaa hadda Amisom aaney arrintaasi magdhow ka bixin.

Waxa uu tilmaamay sidoo kale Laetitia Bader in dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan sidii maxkamad loo soo taagi lahaa dadkii ka dambeeyey dilkaasi naxdinta lahaa.

“Waa in QM iyo Midowga Afrika baaritaan dhab ah ka sameeyaan dilkii loo geystay dad shacab ahaa oo ku sugnaa Wardiinle, illaa hadda magdhow lagama bixin, sidoo kalena ma jirto wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen saraakiisha Amisom iyo haddii ay ahaan lahaayeen kuwooda Itoobiya.” ayuu yiri Laetitia Bader.

Ciidamada AMISOM ayaa gobollada dalka qaarkood waxay ku dileen dad shacab ah, qaarkood dilalkaasi waxay u dhaceen si bareer ah.

Ugu dambeyn mas’uulkan u hadlay hay’adda Human Rights Watch ayaa wax laga xumaado ku sheegay in shacab aan waxbo galabsan ay dhibaato kasoo gaarto dagaallada lagula jiro Al-shabaab.