Kulankan qado sharafta oo ay kasoo qeyb galeen Safiirka Soomaaliya ee Dalka K/Afrika,Xubno ka socda Wasaaradda Arimaha Dibadda Dowlada Koofur Afrka,iyo qeybo kala duwan ee isugu jira Waxgarad iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ay u jeedkisa ahed sidii loo furi lahaa Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalka K/Afrika.
Madaxdii ka qeyb gashay ayaa waxa ay ka hadleen arimo badan ee ku saabsan xiriirka labada Dal iyo sidii Soomaalida ku dhaqan Dalka k/Afrika u heli lahaayeen Safaaradda matasha, Safiirka Soomaaliya ee K/Afrika oo qudbad ka jeediyay kulanka ayaa waxa uu sheegay in uu cadalaad ugu adeegi doono Soomaalida ku dhaqan K/Afrika isagoo intaasi raaciyey in hadda wixii ka dambeeyo ay dhici doonin in muwaadin Soomaaliyeed la dilo kadibna laga aamuso, Sidoo kale Safiirka ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday Safaaradda ay u adeegi doonto jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan K/Afrika.
Dhanka kale u qaabilsanaha Wasaaradaha Arimaha dibadda geeska Afrika Dalka Koofurta Afrika SIVu Madhundh ee matalayey Dowladaa k/Afrika ayaa waxa uu sheegay in Xiliyadii hore ay ahayd Dowladda Soomaaliya mid KMG ah balse
ay hada Umadda Soomaaliyeed ay heleen Dolwad Federaali ah,wixii hadda kadambeeyo ay Dowladiisa ay xiriir kala sameyn doonto Safaarada Soomaaliya wax walba oo ku saabsan xiriirka labada Dal, Sidoo kale u qaabilsamaha arimaha Dibadda Dowladda Dalka Koofur Afrika wixi hada ka dambeeya ay Dowladiisa kala shaqeyn doonto Safaarada Soomaaliya
arimo ay ka mid yihiin pasborada iyo waxybaahaha ku saabsan Socdaalka iyadoo uu sheegay in Soomaalida u fududeyn doonaan si dalkooda ugu laabtaan kadib ay dib u soo laaban karaan, mudooyiinkii ugu dambeyey ayee Waaxda Socdaalka ee dalka Koofur Afrika joojisay waraaqadaha logu socdaalo taasoo xanibaad ku noqotay Soomaalidii aadi jirtay Dalkooda hooyo iyadoo Safiirka laga sugayo in dowlada Koofur Afrika kala hadlo arimo ay ka mid yihiin Socdaalka.
Idale News Muqdisho