Howlgallo Ku Dhawaad 50 Qof Lagu Soo Qab Qabtay Oo Laga Sameeyay Baydhabo

0
311

Baydhabo ( INO)-Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Koofur Galbeed Max’ed Isaaq Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgallo ay Ciidamadooda ka sameeyeen Magaalada Baydhabo.

Max’ed Isaaq Xasan aya tilmaamay in howlgalladooda oo inta badan xaafadaha Magaalada Baydhabo ay ka sameeyeen ay ku soo qab qabteen ku dhawaad 50 qof oo lala xiriirinayo Al Shabaab.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in dadka ay soo qab qabteen 5 ka mid ah la tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen weeraradii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Dadkaan la qab qabtay ayuu sheegay Taliye ku xigeenku in su’aalo lagu weydiinayo saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here