Waajid(INO)-Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee gobalka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka ay saaka halkaasi ka wadaan howlgal ballaaran.
Ciidamada ayaa ku faafay xaafadaha degmadaasi iyo sidoo kale deegaano kale oo degmada Waajid ku dhaw, waxaana howlgalkaan lagu soo qab qabtay dad badan oo tiro ahaan weli la xaqiijin inta ay eg yihiin.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Waajid ayaa u sheegay Warbaahinta , in howlgalkaan uu daba socdo ka dib markii degmadaasi koox hubeysan ay ku dileen qof shacab ah.
Dad la qab qabtay ayaa la geynayaa saldhiga ciidankaasi ku leeyihiin degmadaasi, iyadoo aanay inoo suurta gelin in aynu qadka Taleefanka ku helno maamulka degmada Waajid si aynu howlgalkaan wax uga weydiinno.
Idale News Online, Waajid.