Muqdisho(INO)— Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidamada AMISOM, si dowladda Cusub ee Soomaaliya gacan looga siiyo dagaalka Al-Shabaab.
Mr Madiera ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Amniga Soomaaliya gacan lagu siiyo inay xukumaan goobaha horay looga saaray Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay xaaladda iminka ay ku sugan yihiin aysan awood u lahayn inay ka taliyaan goobaha Al-Shabaab laga xoreeyey.
Madiera ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo looga baahnaa inay la dagaalamaan Al-Shabaab ay iyaga ka sugayaan inay ilaaliso, waxaana uu xusay in aanay AMISOM isu keeni karin in Al-Shabaab la dagaalamaan iyo in dowladda Soomaaliya amnigeeda sugto.
“Waxaa la joogaa waqtigii aan cadeyn laheyn in AMISOM aysan waligeed joogi doonin Soomaaliya, balse waxaa loo baahan yahay ciidamo si buuxda u shaqeeya oo maamula goobaha AMISOM ka xoreyso Al-Shabaab”ayuu yiri.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa intii uu ololaha ku jiray sheegay in sanadka 2018 ay ciidamada dowladda la wareegi doonaan ammaanka, isla markaana AMISOM dalka ka bixi doonto.