Muqdisho (INO)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay dishay Sargaalka maleeshiyada Al-shabaab uqaabilsan dhanka Tababarada.
Dowlada ayaa sheegtay in Sargaalkaani ay ku dishay duqeyn cirka ah iyada oo kaashaneysa Dowladaha saaxiibada la’ah Somalia.
Dilka Sargaalkaani ayaa ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose xili uu Sargaalkaani ku sugnaa saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen gobolka. Sarkaalka duqeynta lagu dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Macalin Aadan.
Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose islamarkaana la xaqiijiyay in uu ku dhintay Macalin Aadan oo ahaa madaxii tababarada ee Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen Duqeymo ka dhacayay Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in cabsi ay soo wajahday.
Dhanka kale, Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaan ilaa iyo hada ka hadlin wararka sheegaya in Duqeyn lagu dilay Madixii dhanka Tababarada Al-shabaab uqaabilsanaa.
Idale News Online, Muqdisho